James Orengo: Lagama aqbalayo madaxweynaha inuu sii wado eedeynta uu u jeedinaya garsoorka

0
249

Guddoomiyaha ismaamulka Siaya James Orengo ayaa sheegay in aan la aqaleynin in madaxweynaha dalka William Ruto uu sii wado eedeynta uu u jeedinaya waaxda garsoorka.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha looga baahan yahay inuu ogaado in uusan sharciga ka sarreyn sidaas darteedna u faraha kala baxo madaxbanaanida waaxda garsoorka ee dalka.
Orengo oo ka mid ah qareennada dalka ayaa sheegay in hoggaamiyaha dalka uunan hadalladiisa ka fiirsan sidaasi awgeedna uu khatar ku yahay ilaalinta xeerarka dastuuriga ah.
Guddoomiyaha ayaa ka digay in dhibaato xooggan ay dalka ka dhici karto haddii aysan jirin xurriyadda dhanka garsoorka.
Waxaa uu madaxeeynaha iyo siyaasiyiinta xulafada la ah ugu baaqay in maxkamadaha ay u oggolaadaan inay shaqadooda qabsadaan iyadoo aan la faragelin.
James Orengo ayaa sheegay in madaxweyne William Ruto looga baahan yahay inuu hormuud ka noqdo horumarinta sharciga dalka.
Waxaa uu u sheegay in haddii uu tabashooyin ka qabo waaxda garsoorka ee dalka inuu adeegsado nidaamka habboon sida in uu cabashadiisa u bandhigo guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
Barasaabka ayaa sheegay in awoodaha golaha fulinta ee dowladdu ay yihiin kuwo xaddidan oo uunan madaxweynaha sameyn karin sida uu damco.