Maamulka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay afar qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilkii afar kaluumaysato oo Kenyan ah Kuwaas oo lagu dilay magaalada Todonyang ee Waqooyiga Turkana horraantii toddobaadkan.
Wararka ayaa sheegaya in afartan eedeysane la xiray ka dib markii ay boolisku aqoonsadeen.
Kooxda nabadsugidda ee Dassanech ee dhinaca Itoobiya ee xuduudka la leh Kenya ayaa tuhmanayaasha magacyadooda ku sheegay; Nyechu Achobe, Nabotee Ara, Kelete Atete, iyo Armiyat Lochoronyang.
Waxay rumeysan yihiin in afartaas qof ay ka tirsanaayeen maleeshiyaad Itoobiyaan ah oo 15-kii bishan abaaro 4-tii subaxnimo weerar gaadmo ah ku dilay kalluumeysatada Kenyanka ah, xilli ay shabaqooda ka tuurayeen hareeraha harada Turkana.
Bishii February ee sanadkan, 20 kaluumaysato Kenyan ah ayaa lagu dilay isla deegaankaas iyadoo dilkooda looga shakisan yahay maleeshiyaad ka soo jeedaan waddanka Itoobiya.