Itoobiya oo sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu diiday in la dejiyo goob ammaan ah oo loo diyaariyay

0
293

Dowladda Itoobiya ayaa iska fogeysay eedeymo dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay oo ahaa in ay carqalad ku sameysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh xilli uu doonayay inuu ka qaybgalo shirka Midowga Afrika.
War saxaafadeed ay soo saartay Itoobiya ayay ku adkeysatay inay si wanaagsan u soo dhaweysay madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa.
Itoobiya ayaa sheegtay inay madaxweynaha iyo wafdigiisa ay diideen in la dejiyo goob ammaankeeda loo xilsaaray koox gaar ah.
“Wefdiga Soomaaliya waxay diideen shaqaalihii loo xilsaaray amnigooda, waxaa intaa dheer in wafdiga Soomaaliya ay isku dayeen inay dhismaha AUC la galaan hub kaas oo ay xireen ilaalada AUC, Itoobiya waa ka go’an inay xiriir saaxiibtinimo la yeelato deriskeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya.
Warbixin dheer oo ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku eedeysay Itoobiya inay hab-maamuuska dublamaasiyadda ku xadgudubtay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo wixii dhacay intii uu socday shirkii Addis Ababa.