Israa’iil ayaa xirtay xubin ka tirsan baarlamaanka Jordan kiis la xiriira hub iyo dahab si qarsoodi ah loo soo geliyay Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun.
Imad al-Adwan, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jordan oo baabuur kaga soo gudbay xuduudka weyn ee webiga Urdun, ayaa waxaa gacanta ku haya oo su’aalo weydiinaya mas’uuliyiinta Israa’iil.
Sinan Majali, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay xiritaanka mudanaha ka soo jeeda Jordan.