Israel oo dishay ku dhowaad 60 Falastiiniyiin ah iyadoo weerarrada magaalada Qaza ay sii xoogeysanayaan

0
418

Magaalada Qaza ayaa ahayd bartilmaameedkii ugu weynaa ee duqeymaha cirka ee Israa’iil 24-kii saac ee la soo dhaafay taasoo sababtay dhimashada ku dhowaad 60 qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 37 gargaar doon ahaa iyadoo Israa’iil ay kordhisay weerarrada ay ku hayso magaalada ugu weyn Marinka kahor qorshaha lagu doonayo in lagu qabsado.
Xamaas ayaa cambaareysay qorshaha Israa’iil ee ah inay qabsato Magaalada Qaza isla markaana si khasab ah u barakiciso dadka halkaas ku nool, iyadoo ballanqaadyada Israa’iil ee ah inay bixin doonto hoy iyo gargaar bini’aadantinimo ku sheegtay “khiyaano cad”.
Dagaalka Israa’iil ay ku hayso Qaza ayaa ilaa hadda lagu dilay ugu yaraan 61,827 qof, waxaana ku dhaawacmay 155,275 kale.