Israa’iil oo yeelatay maamul cusub

0
328

Waxaa la soo dhisay sidoo kalena la dhaariyay xubnaha xukuumadda cusub ee Israa’iil ka dib markii 60 ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ay u codeyeen.
Maamulkan waxaa hoggaaminaya Naftali Bennett oo loo dhaariyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Israa’iil.
Tani ayaa soo afjartay xukunkii ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ee jiray muddo 12 sano ah.
Xisbiga Naftali Bennett ayaa baarlamaanka Israa’iil oo ka kooban 120 xubnood waxaa uu ku leeyahay 6 kuraas .