Israa’iil oo xirtay dad u ololeeya xuquuqul aadanaha

0
591

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Israa’iil ay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad u ololeeya xuquuqul aadanaha oo ay ka mid tahay Greta Thunberg.
Dadkan ayaa saarnaa maraakiibta Global Sumud Flotilla oo ku wajahnaa Marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay Francesca Albanese iyo madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro ayaa dalbaday in doomahaasi aan la hor istaagin.
Israa’iil ayaa dhankeeda wacad ku martay in aynan oggolaan doonin in doomo iyo maraakiib ay gudaha u galaan Marinka Qaza.
Waxay ku doodaysa in shakhsiyaadka la qabtay ay ku xadgudbeen go’doomin ay ku tilmaantay mid sharci ah.
Hasa ahaate, xeerarka caalamiga ayaa dhigaya in aan la is hor taagin gargaarka baniaadannimo.