Israa’iil oo xaqiijisay in Xisbullah ay soo ridday mid ka mid ah diyaaradaheeda

0
347

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah diyaaradaha ay adeegsadaan ee aan duuliyaha lahayn ee drones-ka uu soo riday ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradda lagu soo riday gantaal laga soo tuuray Lebanon.
Waxay ciidamadu tilmaameen inay falceliyeen oo ay weerareen kooxdii falkan gaysatay iyo halkii gantaalka uu ka yimid.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xadka u dhexeya Israa’iil iyo Lubnaan ay ka socto is rasaaseyn.
Waa markii labaad tan iyo 7-dii bishii hore oo ay Xisbullah sheegeen inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Israa’iil.
Waxaa uu qorshuhu yahay in berri uu hoggaamiyaha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah uu jeediyo khudbadiisi ugu horreysay tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha Israa’iil ee Qaza.