Israa’iil oo xalay ugu yaraan 4 qof ku dishay Daanta Galbeed

0
160

Ugu yaraan 4 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen howlgallo ay xalay ciidamada militariga ee Israa’iil ka fuliyeen Daanta Galbeed.
Waxaa dadka la dilay ka mid ah wiil yar.
Sidoo kale howlgalkaasi ayaa lagu burburiyay kaabayaal muhiim ah.
Dhanka Qaza, waxay Israa’iil weerar ku qaadday guriyo ku yaalla Deir al-Balah halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 11 qof oo ka mid ahaa Falastiiniyiinta sugaya in loo fidiyo gargaarka baniaadannimo.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 31,184 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 72,889 kale.