Israa’iil oo xalay ugu yaraan 11 qof ku dishay Qaza

0
147

Militariga Israa’iil ayaa duqeymo uu xalay ka gaystay magaalada Deir el-Balah ee Qaza ku dilay in ka badan 11 ruux halka dhowr kalena la dhaawacay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu soo warramaya in wafdi matalayay ururka Xamaas ee dalka Falastiin uu iskaga soo tagay caasimadda Masar ee Qaahira.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa qortay in Israa’iil ay hor istaagtay dhammaan isku dayadii dhexdhexaadiyeyaasha Maraykanka , Qatar iyo Masar ee ku aaddaana in heshiis la gaaro.
Dhinacyadan ayaa ku dadaalayay in Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyaan xabbad joojin ka dhaqan gasho Qaza iyo inay siidaayaan maxaabiista u kala xiran.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa weerarrada ay Israa’iil weli ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 30,878 oo Falastiiniyiin ah halka lagu dhaawacay 72,402 kale.