Israa’iil oo weli wado weerarada ka dhanka ah Qaza

0
673

Ciidamada Israa’iil ayaa geystay 47 jebinta heshiiska xabbad joojinta tan iyo markii uu dhaqan galay horraantii bishan October, halkaas oo ay ku dileen 38 qof, 143 kalena ay ku dhaawaceen, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.
Israa’iil ayaa sheegtay in xadka Rafah ee u dhexeeya Qaza iyo Masar uu ahaan doono mid xiran “ilaa ogaysiis dambe” iyadoo Benjamin Netanyahu uu ku eedeeyay Xamaas inaysan samayn wax ku filan oo ay ku soo saaraan meydadka maxaabiista.
Xamaas ayaa laba mayd oo kale oo maxaabiis ah ku soo celisay Israa’iil iyadoo mudaaharaadayaasha ay isugu soo baxeen magaalada Tel Aviv si ay xukuumadda uga dalbadaan inay soo celiso dhammaan meydadka ku maqan Qaza.
Xamaas ayaa sheegtay in Netanyahu uu adeegsanayo marmarsiiyo aan macquul ahayn si uu u carqaladeeyo heshiiska xabbad joojinta.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 68,116 qof, waxaana lagu dhaawacay 170,200 tan iyo 7-dii bishii October ee 2023-kii.