Israa’iil oo weerartay Waqooyiga Qaza

0
80

Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in ciidamada Israa’iil ay duqeyn dhanka cirka ah ka gaysteen magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Qaza.
Waxay sidoo kale weerareen Bariga magaalada Qaza iyo Khan Younis ee dhanka Koonfureed.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee Qaza ay sheegaysa in ugu yaraan 245 qof oo Falastiiniyiin ah la dilay halka 627 kalena lagu dhaawacay Marinka Qaza laga soo billaabo 10-kii bishii hore oo uu dhaqan galay heshiiska xabbad joojinta.
Tirada guud ee dadka ku dhintay duullaanka militari ee Israa’iil tan iyo 7-dii bishii Tobanaad ee sanadkii 2023-kii ayaa ah in ka badan 69,185 ruux iyadoo la dhaawacay 170,698 kale.