Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa weerarro ka gaystay Koonfurta caasimadda dalka Lebanon ee Beirut.
Tani ayaa timid hal saac un ka dib markii Israa’iil ay soo saartay amar daadgureyn qasab ah.
Waxay Israa’iil si gaar ah ugu digtay dadka deggan meelo ay sheegtay in ururka Xisbullah ee waddanka Lebanon uu ku soo saaro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.
Duqeymaha ayaa ah kuwii 4-aad ee ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Beirut tan iyo markii bishii 11-aad ee sanadkii hore uu dhaqan galay heshiis xabbad joojin ah oo ay la gashay ururka Xisbullah.
Madaxweynaha dalka Lebanon Joseph Aoun ayaa sheegay in Israa’iil ay ku xadgudubtay heshiiskii xabbad joojinta .
Waxaa uu dhawaan dowladaha Faransiiska iyo Maraykanka ugu baaqay in ay xakameeyaan gardarrada Israa’iil.