Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka iyo dhulka ah ka gaystay magaalada Khan Younis.
Waxay sidoo kale bartilmaameedsadeen guriyo ku yaalla magaalooyinka Rafah iyo Deir al-Balah.
Warbaahinta maxalliga ee Falastiin ayaa ku warramaysa in duqeymahan lagu dilay ugu yaraan 14 ruux.
Dhanka kale xubin ka tirsan ururka Xamaas ayaa warbaahinta Aljazeera u sheegay in Israa’iil ay diiday soo jeedin ku aaddanayd heshiis xabbad joojin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ugu yaraan 32,142 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Qaza halka 74,412 kalena la dhaawacay tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.




