Israa’iil oo weerarro ka gaysatay Qaza

0
526

Waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil ay weerarro hor leh oo dhanka hawada iyo badda ah ay ka gaysatay Falastiin.
Agaasimaha isbitaalka Al-Aqsa Hospital ee Qaza ayaa warbaahinta u sheegay in aynan haysan shidaal ay matoorrada ku isticmaalaan maadaama ay koronto la’aan jirto.
Waxaa uu xusay in dhammaan bukaannada halkaasi ku jiro ay qarka u saaran yihiin in ay geeriyoodaan.
Dhanka kale, dabbaabadaha dagaalka ee militariga Israa’iil ayaa gudaha u sii galaya Koonfurta Bari ee magaalada Rafah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo in ka badan 900,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah kuwaasi oo duqeymaha ku barakacay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay aynan haysan hooy, cunto, biyo iyo daawooyin.
Isbitaallada ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabalia ee Waqooyiga Qaza ayaa waxaa maalmo ku socdo bartilmaameedsi.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 35,800 qof halka la dhaawacay 80,011 kale.