Israa’iil oo weerarro ka fulisay Gaza

0
541

Waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil ay markii labaad , toddobaad gudihiisa ay duqeymo dhanka cirka ah ka gaysatay marinka Gaza ee dalka Falastiin.
Hasa ahaate weli lama soo tabin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka ugu dambeeyay.
Militriga Israa’iil ayaa laga soo xigtay in aroornimadii hore ee maanta uu bartilmaameedsaday xarun lagu soo saaro gantaallada.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Aljazeera u sheegay in duqeymaha ay burburiyeen guriyo badan oo ku yaallay xerada qaxootiga ee al-Bureij ee bartamaha Gaza.