Israa’iil ayaa weerar ku qaadey galbeedka waddanka Suuriya.
Waa markii ugu horreysay oo weerar dhanka cirka ah lagu qaado dalkaas ku dhawaad muddo bil ah.
Maalin ka hor ergayga Mareykanka u jooga Dimishiq ayaa sheegay in colaadda u dhexeysa dalalka deriska ah ay tahay mid “la xalin karo”.
Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay xalay in hal qof uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalo xeebeedka Latakia.
Wakaalada wararka ee SANA ayaa goor sii horeysay sheegtay in ciidamada Israel ay beegsadeen saddex goobood oo ku yaala baadiyaha gobolada Latakia iyo Tartus.
Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarado ay Israa’iil leedahay ay duqeeyeen goobo ciidan oo ku yaalla duleedka Tartous iyo Latakia, ee xeebta Mediterranean-ka.
Duqeymaha Israel ayaa daba socda in Suuriya ay qiratay in wadahadal aan toos ahayn ay la yeelatay Israa’iil horaantii bishan si xiisadda loo qaboojiyo