Warbaahinta maxalliga ee dalka Syria ayaa ku warramaysa in Israa’iil ay duqeymo ka gaysatay garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Dimishiq iyo Aleppo.
Wakaaladda wararka ee dowladda Syria ee SANA ayaa qortay in hal qof oo shaqaale ah uu ku dhintay weerarka Damascus halka mid kalena la dhaawacay.
Ilo wareedyo ka tirsan militariga ayaa sheegay in garoomadan la gaarsiiyay burbur dhanka kaabayaasha ah taasoo saameyn ku yeelatay adeegyadii laga bixinayay.
Wasaaradda gaadiidka ee dowladda Syria ayaa laga soo xigtay in duullimaadyo loo weeciyay dhanka gagida diyaaradaha ee magaala xeebeedda Latakia.