Israa’iil oo wacad ku martay in aynan joojin doonin duqeymaha Qaza

0
205

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in aynan joojin doonin duullaanka militari ee ay muddo 100 cishe ah ka wadaan Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay sheegaysa in burburka xooggan , barakicinta, gaajada iyo dilalka ka dhacaya Qaza ay dhaawacayaan baniaadannimada.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa laga soo xigtay in 1.9 milyan oo qof oo u dhiganta ku dhawaad boqolkiiba 85 tirada guud ee shacabka Qaza ay barakaceen.
Netanyahu ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inay suurtagal iyo lagama maarmaan tahay in duullaanka Qaza uu sii socdo.
Waxaa uu sheegay in xita maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ aynan hor istaagi karin.