Waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil ay tarxiishay qareen u dhashay Falastiin sidoo kalena haysta jinsiyadda Faransiiska oo lagu magacaabo Salah Hammouri.
Waxaa uu u ololeeyaa arrimaha xuquuqul insaanka.
Tani iyo bishii Saddexaad ee sanadkan oo uu xabsi ku jiray isagoo aan dacwad lagu soo oogin ayaa la isku dayayey in Israa’iil laga musaafuriyo.
Waxaa uu Faransiiska loo musaafuriyo horay uga soo horjeestay madaxweynaha dalkaasi Emmanuel Macron oo sheegay inay qasab tahay in qareenka loo oggolaado u doodidda xuquuqul aadanaha iyo inuu si caadi ah ugu noolaado Quddus maadaama uu halkaasi ku dhashay sidoo kalena deggan yahay.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku cambaareysay tallaabada ay Israa’iil u tarxiishay Salah Hamouri oo ay ku tilmaantay mid sharciga baal marsan.