Ra’iisul wasaaraha dalka Israa’iil, Benjamin Neytanyahu ayaa sheegay inuu ku wargeliyay Maraykanka inuu diidan yahay amaba uu ka soo horjeedo qorshaha abuurista dowlad Falastiin ah oo madax banaan marka uu dhamaado dagaalka Qaza.
Shir jaraa’iid oo uu qabtay, ayuu Netanyahu sidoo kale ku adkeystay inay sii wadayaan dullaanka uu kawada marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Waxaa uu dhanka kale sheegay, in dagaalka ka dhanka ah ururka Xamaas uu qaadan karo bilooyin hor leh.
Qorshaha ah in la abuuro dowlad Falastiini ah dagaalka ka dib, waxaa dabada ka riixayay dowladda Mareaykanka.




