Militariga Israa’iil ayaa maanta sheegay inuu xalay weerar bartilmaameedsi ahaa uu ka fuliyay Waqooyiga Marinka Qaza.
Waxaa uu xusay in falkan loo adeegsaday taangiyada dagaalka.
Tani ayaa qayb ka ah diyaar garowga ay Israa’iil ugu jirto marxaladda xigta ee ay qaadayaan saraakiisheeda difaaca.
Shalay ayay ahayd markii uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu sheegay inay isku diyaarinayaan duullaan dhanka dhulka ah oo ay ka fulinayaan Qaza.
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa aqalka cad ee dalkaasi looga arrimiyo waxaa uu ku beeniyay warbixinnada sheegaya inuu Israa’iil ka dalbaday inay dib u dhigto duullaanka dhinaca dhulka ee Qaza.
Waxaa uu Israa’iil ku boorriyay inay badbaadiso nolosha shacabka Qaza ee aan waxba galabsan balse ay iska celiso sida uu hadalka u dhigay cidii soo weerarta.