Israa’iil oo sheegtay inay hoggaamiyaha Islamic Jihad ku dishay Qaza

0
225

Ciidamada militariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah oo ay aroornimadii hore ee maanta ka gaysteen marinka Qaza ee dalka Falastiin ay ku dileen hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Islamic Jihad ee dalkaasi Cali Ghali.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in hor joogaha lagu dhex dilay dhisme ku yaalla Koonfurta Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ugu yaraan 27 ruux oo ay ka mid yihiin 10 isugu jiro haween iyo carruur lagu dilay Qaza.
Wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in halkaasi lagu dhaawacay 70 qof oo dheeraad ah.
Dhaqdhaqaaqa Islamic Jihad ee Falastiin ayaa dhankiisa xaqiijiyay in waabarigii maanta ciidamada Israa’iil ay magaalada Khan Younis ee Qaza ay ku dileen taliyihii qaybta adeegsiga gantaallada Cali Ghali.