Israa’iil oo sheegtay inay diyaar u tahay xaalad kasta ka dib dilkii hoggaamiye ku xigeenkii Xamaas

0
239

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xaalad kasta oo ku soo kororta duullaanka militari ee uu ka wado gudaha Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii weerar laga gaystay koonfurta magaalada Beirut ee dalka Lubnaan la sheegay in lagu dilay ku xigeenkii madaxa ururka Xamaas , Saleh al-Arouri.
Waxaa falkaasi ka dhalatay cabsi ah in dagaalka Israa’iil ay ka wado Qaza uu ku sii fidi karo qaybaha kale ee Bariga Dhexe.
Warbaahinta maxalliga ee Iiraan ayaa ku warramaysa in dilka Arouri uu horseedi karo iska caabbin ka dhan ah Israa’iil.
Waxaa dilka hoggaamiye ku xigeenka Xamaas cambaareeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Lebanon Najib Mikati.
Mas’uulkan ayaa xusay in tani ay Lubnaan u sii dhaweyn karto dagaal.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dhankiisa Israa’iil ugu baaqay inay iska ilaaliso inay sii huriso xiisadda jirta gaar ahaan gudaha Lebanon.
Waxaa uu ku baaqay in xabbad joojin waarta la dhex dhigo Israa’iil iyo Xamaas.