Israa’iil oo sheegtay in maxaabiista ugu horreya berri la siideynaya

0
219

Ka dib heshiiskii ay gaareen Israa’iil iyo ururka Xamaas ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen waxaa uu maanta sheegay inay rajeynayaan in maxaabiista ugu horreysa berri oo Khamiis ah la siidaayo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in berri ay xurriyadooda dib u helaan qaar ka mid ah dadka ku jiro gacanta Xamaas.
Heshiiskan oo ay garwadeen ka yihiin Qatar, Masar iyo Maraykanka ayaa yimid ka dib shan toddobaad oo ay wada xaajoodyo socdeen .
Waxaa uu shaqeynaya afar cishe waxayna Israa’iil iyo Xamaas isku dhaafsanaya dadka ay kala haystaan.
Sidoo kale gargaarka baniaadannimo ayaa si aan is hor taag lahayn loo geynaya Qaza.
Xamaas ayaa laga doonaya inay soo siidayso 50 maxaabiis ah halka xabsiyada Israa’iil laga saaraya ugu yaraan 150 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Is-afgaradkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay tan iyo duullaanka militari ee soo billowday 7-dii bishii hore.