Wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in aynan joojin doonin duqeymaha ay ka wadaan Qaza iyo Rafah xita iyadoo wada hadallo lala yeelanaya ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Xamaas dalbanaysa in Israa’iil ay weerarrada joojiso si ay wada xaajoodyada ku aaddan heshiis xabbad joojin ay u sii socdaan.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegaya in ay diyaar u yihiin howlgal wayn oo ay ka fuliyaan xadka Lebanon oo ay ilaa 8 bilood isku hayaan kooxda Xisbullah.
Dhanka kale , hay’adaha qaramada midoobay ayaa ka digaya in bartamaha bisha soo socoto ee July ay macluul baahsan soo foodsaari karto in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool Qaza haddii uu duullaanka sii socdo.