Israa’iil oo sheegtay in ay rasaas ku furtay dad Falastiniyiin ah

0
151

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay rasaas ku fureen maanta si ay meesha uga saaraan khatarta ka imanaysa tuhmanayaasha ku soo dhawaaday ciidamadooda ku sugan Waqooyiga Marinka Qaza.
Maamulka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen rasaasta Israa’iil.
Milatariga ayaa sheegay in tuhmanayaasha ay ka gudbeen xadka dib u noqoshada bilowga ah ee Israa’iil iyada oo la raacayo qorshihii xabbad joojinta taas oo jabinaysa heshiiska.