Israa’iil oo sheegtay in 4 sarkaal oo dheeraad ah looga dilay Qaza

0
253

Militariga Israa’iil ayaa shaaciyay in afar sarkaal oo kale looga dilay Waqooyiga Marinka Qaza.
Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa dhanka kale sheegay inay isku hareereeyeen Waqooyiga magaalada Qaza oo ay sii xoojinayaan duullaanka dhanka dhulka ah.
Israa’iil ayaa horay u sheegtay in tan iyo markii ay billowday howlgallada dhuleed in laga dilay ugu yaraan 19 militari ah.
Tirada guud ee ciidamada Israa’iil ee la dilay laga soo billaabo 7-dii bishii hore ee Oktoobar ayay ku sheegtay in ka badan 335 sarkaal.