Israa’iil oo sheegaysa in Xamaas ay haysato 229 qof

0
226

Afhayeenka madaxa militariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa sheegay in gudaha marinka Gaza lagu haysto dad gaaraya 229.
Hasa ahaate waxay wararku sheegayaan in ururka Xamaas uu siidaayay 5 la haystayaal ah.
Dhanka kale xubin ka tirsan wafdi matalaya Xamaas oo tagay Ruushka ayaa sheegay inaynan siidayn doonin maxaabiista ay gacanta ku dhigeen ka dib weerarkii 7-dii bishan ilaa iyo inta ay xabbad joojin ka dhaqan galaysa Qaza.