Israa’iil oo shaacisay in 21 askari looga dilay Qaza

0
245

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 21 ka mid ah ciidamadiisa lagu dilay magaalada Qaza.
Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd tan iyo markii howgallada dhulka ay militariga Israa’iil ka billaabeen marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Afhayeenka ciidamada milatariga Israa’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ciidamadan lagu dilay laba gantaal iyo qaraxyo lala beegsaday dhismayaal ay ku sugnaayeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay wadaan baaritaanno ku saabsan sida falkan u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.
21-ka askari ee laga dilay Israa’iil ayaa dhamaantood ka tirsanaa ciidamadooda kaydka .