Israa’iil oo sarkaal militari looga dilay Qaza

0
283

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ahaa ciidamada qalabka sida looga dilay Qaza.
Sarkaalka oo ay da’diisu ahayd 19 sano ayaa ka tirsanaa guutada 75-aad waxaana uu ku nafwaayay dagaal ka dhacay Koonfurta Marinka Qaza.
Intii u dhexeysay Jimcihii ilaa Isniintii , 5 ka mid ah ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa la dilay.
Tani ayaa tirada guud ee saraakiisha difaaca ee Israa’iil ee la dilay ka dhigaysa 272.
Warbixinnada qaramada midoobay ayaa muujinaya in tan iyo markii ay Israa’iil ku duushay Qaza laga dhaawacay 1,674 sarkaal oo kale.