Israa’iil oo qof ku dishay Qaza

0
330

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof halka labo kale ay dhaawacmeen.
Waa maalinkii labaad oo xiriir ah oo ay weerarrada Israa’iil ka socdaan Qaza.
Duqeymaha ayaa lala eegtay meelo badan sida Koonfurta iyo Waqooyiga marinkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gantaallo laga soo tuuray dhanka Qaza ay ku dhaceen Koonfurta Israa’iil.
Shalay ayay ahayd markii 15 ruux halkaasi lagu dilay waxaana dadkan ka mid ahaa afar carruur ah.