Israa’iil oo Qaza ku dishay dad sugayay in loo gargaaro

0
579

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay Waqooyiga Qaza halka 150 kalena la dhaawacay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil weerarro ku bartilmaameedsatay dad safaf ugu jiray inay helaan gargaar baniaadannimo sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta caafimaadka ee Falastiin.
Ugu yaraan 25,700 qof ayaa tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore lagu dilay duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza halka la dhaawacay 63,740 kale.