Israa’iil ayaa ogolaatay soo jeedinta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aaddan xabbad joojinta Iran, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa hadal uu soo saaray dhawaan ku sheegay, in madaxweyne Trump uu cadeeyay in xabbad joojintu ay hadda dhaqan galayso, wuxuuna ku booriyay labada dhinac in aysan ku xadgudbin.
Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib markii Iran ay dhowr gantaal ku garaacday saaka Israa’iil, oo ay ugu yaraan afar qof ku dileen magaalada koonfureed ee Beersheba.