Israa’iil oo oggolaatay qayb ka mid ah gargaarka Qaza

0
433

Waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil ay keliya oggolaatay in Qaza la geeyo qayb ka mid ah gargaarka sidii lagu heshiiyay xilligii is-afgaradka xabbad joojinta horraantii bishii hore.
Waxaa halkaasi galaya ilaa 145 baabuur oo kuwa xamuulka ah maalin kasta in kastoo ay horay u ballan qaadday 600 .
Dhanka kale , afar ruux ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ka gaysatay Koonfurta dalka Lebanon.
Waxaa uu qorshuhu yahay in berri oo Isniin ah wasiirrada dalalka Carbeed iyo si guud waddamada Islaamka ay ku kulmaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga arrinsadaan tallaabooyinka xiga ee xabbad joojinta Qaza.
Waxyaabaha laga tashanaya waxaa ka mid ah sidii ay Qaza u xasilin lahaayeen ciidamo heer caalami ah.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duullaanka militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay in ka badan 68,858 ruux halka muddadan gudaheeda lagu dhaawacay 170,664 kale.