Israa’iil oo mar kale bartilmaameedsatay dad gargaar sugayay

0
150

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in dhowr qof lagu dilay duqeyn kale oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay dad sugayay in loo qaybiyo gargaar baniaadannimo.
Dhowr qof oo kale ayaa falkaasi lagu dhaawacay.
Wasaaradda ayaa weerarka ka dhacay magaalada Qaza ku tilmaantay xasuuq aad looga xumaado.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 30,410 qof halka la dhaawacay 71,700 ruux oo dheeraad ah.