Israa’iil oo maanta dishay in ka badan 29 qof

0
253

Afhayeenka wakaaladda difaaca rayidka ee Qaza ayaa sheegay in tan iyo waabarigii maanta ay Israa’iil dishay ugu yaraan 29 ruux.
Dhanka kale , ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray xoojinta dagaalka Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii ururka Xamaas ee dalka Falastiin uu diiday soo jeedin la xiriirtay xabbad joojin ku meel gaar ah oo ka timid Israa’iil.
Xamaas ayaa dalbanaysa heshiis soo afjaraya colaadda si la isku dhaafsado maxaabiista weli xiran.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ay duullaanka militari ee Israa’iil gudaha Qaza ku nafwaayeen in ka badan 51,201 oo Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen 116,869 kale.
Xafiiska warfaafinta ee Qaza ayaa tirada dhimashada ku sheegay in ka badan 61,700 wuxuuna hoosta ka xarriiqay in kumanaan qof oo la waayay ka dib markii ay ku hoos xannibmeen burburka la rumeysan yahay in ay dhinteen.