Israa’iil oo laba jibaartay weerarada ka dhanka ah Qaza

0
524

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Qaza, iyagoo 6 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay weerar ay ku qaadeen waqooyiga magaalada Beit Lahiya, maalin kadib markii ay ugu yaraan 60 ku dileen weeraro ka dhacay gobolka.
Ahmed Mansour, oo ahaa saxafi si xun ugu gubtay weerarkii isniintii ay Israa’iil ku qaaday teendho warbaahineed oo u dhow Isbitaalka Nasser ee magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray isaga oo tirada dhimashada weerarkaas ka dhigay ugu yaraan 3 qof.
Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku kulmay Aqalka Cad iyaga oo ka wadahadlay dalalka “ku habboon” in la geeyo Falastiniyiinta sida qasabka ah la doonayo in looga barakiciyo Marinka Qaza.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 50,695 qof lagu dilay dagaalka Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii halka lagu dhaawacay 115,338 kale oo Falastiniyiin ah.
Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda Qaza ayaa tirada dhimashadan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.