Israa’iil oo ka hadashay dil dhacay horraantii bishan

0
213

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in dil horraantii bishan loo gaystay wiil labo sano jir ahaa oo u dhashay Falastiin aan loo fulin si ulakac ah.
Canugga yar ee ay toogteen ciidamada Israa’iil ayaa lagu magacaabi jiray Maxamad al-Tamimi.
Saraakiisha qalabka sida ee Israa’iil ayaa hadda sheegaya in wiilkaasi iyo aabihii loo maleeyay inay qayb ka ahaayeen rag hubeysan oo cararayay ka dib markii ay rasaas soo tuureen iyagoo ku sugan Daanta Galbeed ee Falastiin gaar ahaan degmada Neve Tzu taasoo ay ciidamada ka falceliyeen.
Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa sheegay in rasaas lagu furay baabuurkiisa iyadoo halkaasi uu ku dhintay canugiisa.