Israa’iil oo ka falcelisay muuqaal ay soo saartay Xamaas

0
527

Israa’iil ayaa ka falcelisay muuqaal uu soo saaray ururka Xamaas ee dalka Falastiin kaasoo laga dhex arkaya saddex haween oo la-haystayaal ah.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in muuqaalkaasi uu yahay dacaayadda Xamaas oo laga dheehan karo arxaan darro maskaxeed.
Bayaanka waxaa ku cad in Israa’iil ay sameyn doonto wax kasta si ay reerahooda dib ugu soo celiso dadka la afduubtay iyo kuwa maqan.
Muuqaalka oo 76 ilbiriqsi ah ayaa laga dhex arkaya mid ka mid ah haweenka oo Israa’iil ku dhaliilaysa inay ku guul dareysatay badbaadinta shacabka xilligii weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii bishan.
Haweeneyda ayaa dhanka kale Israa’iil ugu baaqaysa inay Xamaas isdhaafsadaan maxaabiista.
Israa’iil ayaa dhankeeda tirada maxaabiista ee laga haysto ku sheegtay ugu yaraan 239 qof.