Israa’iil oo ka digtay weeraro kale oo ay ku qaadi doonta Lubnaan haddii aan Xisbullah hubka laga dhigin

0
366

Militariga Israa’iil ayaa sii wadi doona duqeymaha Lubnaan haddii aan Xisbullah laga dhigin hubka, wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Israel Katz ayaa ka digay, isagoo yiri “ma jiri doonto xasillooni ka jirta magaalada Beirut” iyo “inaan wax xasillooni ah ka dhici doonin Lubnaan” haddii aan la xaqiijin ammaanka Israa’iil.
Militariga Israa’iil ayaa habeenkii Khamiista bilaabay duqeymo xiriir ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan xaafadaha koonfureed ee Beirut, iyaga oo shacab aad u tiro badan ay guryahooda ka qaxay habeenkii Ciidda Carafo ka dib markii ay saacad ka hor ay militariga Israa’iil soo saareen amar qasab ah oo lagu barakicinaayo.
Israa’iil ayaa sheegatay, iyada oo aan caddayn, in weerarkeedii ugu dambeeyay ay ku qaadday warshadaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah oo ku yaalla caasimadda Lubnaan.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Hezbollah “ay ka shaqaynayso sidii ay u kordhin lahayd wax-soo-saarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee UAV-yada dagaalka soo socda” ee ay Israa’iil kula jirto “xadgudub bareer ku ah” oo ah qodobbadii xabbad-joojinta ee November.
Wakaaladda Wararka Qaranka ee ay maamusho dowladda Lubnaan ayaa ku warantay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay fuliyeen ku dhawaad toban weerar oo duqeyn ah. War kasoo baxay Xisbullah ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah oo ay sameeyeen ay muujineyso in sagaal dhismo ay burbureen, halka tobanaan kale ay waxyeelo soo gaartay.