Israa’iil oo jawaab militari ugu hanjabtay Xuutiyiinta

0
371

Israa’iil ayaa ku hanjabtay inay si adag uga jawaabi doonto weerar gantaal ah oo ay sheegtay in laga soo riday dalka Yemen, islamarkaana ay ka dambeysay kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah.
Gantaalkaasi oo ay Israa’iil sheegtay in si nabad ah loo qabtay, ayaa la riday Sabtidii, sida lagu sheegay war kasoo baxay militariga .
Xuutiyiinta ayaa sheegtay in gantaalkaasi uu ahaa jawaab celin ka dhan ah weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, gaar ahaan Marinka Qaza.
Weerarkaasi ayaa ahaa midkii ugu horreeyay ee ay Xuutiyiintu ku beegsadaan Israa’iil tan iyo markii la gaaray xabbad-joojin u dhaxaysay Tel Aviv iyo Tehran 24-kii June, kadib dagaal 12 maalmood socday.
Xuutiyiinta ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Qaza bishii Tobnaad ee sanadkii 2023 si isdaba joog ah u beegsaday Israa’iil iyo maraakiibta maraya badda Cas, taas oo si weyn u saameysay isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
In badan oo ka mid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay soo rideen ayaa la qabtay, inkasta oo qaar ay gaareen bartilmaameedyadooda.
Israa’iil ayaa horay duqaymo xagga cirka ah ugu qaadday dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, gaar ahaan magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Mareykanka ayaa sidoo kale horey u qaaday weerarro ka dhan ah kooxdaasi, inkastoo markii dambe la gaaray heshiis xabbad-joojin ah.