Israa’iil oo iska difaaci doonto dacwad ay maxkamadda ICJ u gudbisay Koonfur Afrika

0
374

Waxaa uu qorshuhu yahay in Israa’iil ay maanta soo bandhigto doodeeda ay iskaga difaacaysa dacwad laga gudbiyay.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa dacwaddan gaystay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ waxayna doonaysa in Israa’iil lagu qasbo in ay joojiso duullaanka ay ku qaadday magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza ee dalka Falastiin.
Shalay ayay ahayd markii ay Koonfur Afrika maxkamadda u sheegtay in arrintan ay tahay mid aad degdeg u ah.
Waxay dalbanaysa in Israa’iil ay joojiso duqeymaha ay ka wado Qaza iyo Rafah oo ay ciidamadeeda kala baxdo xadka ay magaaladan la wadaagto dalka Masar.