Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in inta u dhexeysa 10-kii barqannimo ilaa 8-da fiidnimo ee caawa la hakiyay dagaalka qaybo ka mid ah Qaza.
Waxaa meelahan ka mid ah al-Mawasi, Deir el-Balah iyo magaalada Qaza.
Waxay tani fursad siinaysa qaramada midoobay iyo hay’adaha samafalka in ay furaan marinno dhuleed oo wax looga qaban karo dhibaatada gaajada ee sii kordhaysa.
Dhanka kale , militariga Israa’iil ayaa iska fogeeyay eedeymo loo jeediyay oo ah inuu gaajeynta u adeegsanaya hub ka dhan ah shacabka Falastiin.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo tan iyo waabarigii saaka Qaza lagu dilay ugu yaraan 43 ruux.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha militari ee Israa’iil ay ka wado Qaza waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 59,733 qof halka muddadan gudaheeda la dhaawacay 144,477 kale.