Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in shaqaalaha markabka Madleen loo qaaday Israa’iil ka dib markii kumaandooska ay markabka ku qabteen biyaha caalamiga ah.
Markabka Madleen, oo ay bilaabeen Isbahaysiga Freedom Flotilla, ayaa markii la joojiyay wuxuu u jiray 185kiilo mitir Qaza.
Waxaa uu gargaar bini’aadantinimo u sidday Falastiniyiinta gaajeysan ee ay Israa’iil go’doomisay tan iyo 2-dii bishii March ee sanadkan.
Israa’iil ayaa Qaza ku dishay in ka badan 54,000 oo qof intii uu socday dagaalkan iyadhoo go’doomin dhulka,cirka iyo badda ku haysay Qaza tan iyo 2007-dii.
Madleen ayaa ka soo ambabaxay jasiiradda Sicily ee dalka Talyaaniga 1-dii bishan Juun, hal bil kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay duqeeyeen markab kale oo gargaar u wadday Qaza.
Greta Thunberg oo dhalasha ahaan ka soo jeedo dalka Sweden oo u dhaqdhaqaaqda cimilada ayaa ka mid ah 12-ka qof ee ay Israa’iil ku xirtay markabka Madleen.