Israa’iil oo fulisay weerar ka dhan ah Xisbullah

0
446

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inuu magaalada Hula ee Koonfurta dalka Lebanon uu ka gaystay bartilmaameedsi ka dhan ahaa kooxda Xisbullah.
Waxay intaasi ku dareen in ay weerareen xarumaha ururkan.
Wakaaladda qaran ee wararka rasmiga ee dowladda Lubnaan ayaa dhankeeda ku warramaysa in diyaarad aan duuliye lahayn lagu garaacay guri ku yaalla Hula.
Duqeyntaasi oo loo adeegsaday labo gantaal ayaa sababtay dhaawacyo.