Israa’iil oo duqeysay xarun caafimaad oo ay maamusho qaramada midoobay

0
605

Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr qof ay ku dhinteen weerarro ay xalay Israa’iil ka gaysatay Qaza.
Tan iyo waabarigii shalay , ugu yaraan 77 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil.
Sidoo kale, waxaa la cambaareeyay weerar gantaal loo adeegsaday oo ay ciidamada militariga ee Israa’iil ku bartilmaameedsadeen xarun caafimaad oo ay maamusho hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA oo ku taalla xerada qaxootiga ee Jabalia.
Waxaa halkaasi lagu dilay in ka badan 22 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in duullaanka militari ee Israa’iil ay ku nafwaayeen ugu yaraan 50,423 qof halka la dhaawacay 114,638 kale.