Waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil ay duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay meel u dhow caasimadda wadanka Syria ee Dimishiq.
Warbaahinta dowladda ee dalkaasi ayaa tabinaysa in labo sarkaal ay weerarrada ku dhaawacmeen.
Wakaaladda wararka ee SANA ayaa qortay in hannaanka difaaca hawada sare ee wadanka Syria uu ka hor tagay gantaallo ay Israa’iil adeegsanaysay.
Gantaallada ayaa abaare 12.25 ee xalay ee saacadda dalkaasi laga soo tuuray buuraha ay Israa’iil haysato ee Golan Heights in kastoo badankooda la soo riday.




