Israa’iil oo duqeymo ka gaysatay Syria

0
215

Warbaahinta maxalliga ee dalka Syria ayaa ku warramaysa in maamulka Israa’iil uu duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay meel u dhow magaalada Homs.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ilaalada hawada ee Syria ay soo rideen gantaalladii la adeegsaday badankooda.
Wakaaladda wararka ee Syria ee SANA ayaa sidoo kale qortay in qaar ka mid ah gantaallada ay soo dul mareen caasimadda wadanka Lubnaan ee Beirut ka hor inta aynan gaarin bartilmaameedsiga oo ahaa magaalada Homs.
SANA ayaa intaasi ku dartay inuu jiro burbur ka dhashay weerarrada in kastoo aan weli la shaacin baaxadiisa.
Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa sheegay in duqeymaha loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka.