Israa’iil oo Duqaymo cirka ah ka gaysatay dugsi ay Qaramada Midoobay ku leedahay Qaza

0
472

Duqaymo dhanka cirka ah oo Israel ay la beegsatay dugsi ay Qaramada Midoobay leedahay oo ay gabaad ka dhiganayeen dad Falastiiniyiin ah oo ka barakacay magaalada Gaza taasi oo waxyeelo gaysatay.
Dhisme dhowr dabaq ah ayaa sidoo kale la duqeeyay laguna burburiyay magaalada Gaza.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib weerarkii lagu hoobtay ee Israel ka geysatay Doha toddobaadkan.